All insights by Mr Sharafdin
Web Developer (Junior / Practical)
Subscribers
February 2, 2026

Sidaan Fudud U Baro ๐—๐—ฎ๐˜ƒ๐—ฎ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ฝ๐˜

Arday badan ayaa 4 bilood ama ka badan ku bixiya barashada Syntax-ka oo kaliya, iyagoon weli dareemin inay wax dhisi karaan. Laakiin sirta guusha ee 2026 (AI Era) ma ahan inaad wax walba barato, ee waa inaad barato ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ.

Mr Sharafdin

@sharafdin

Luqadda ๐—๐—ฎ๐˜ƒ๐—ฎ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ฝ๐˜ waa laf-dhabarta internet-ka casriga ah. Waa mid ka mid ah luqadaha ugu awoodda badan caalamka programming-ka, haddii aysan Number 1 ahayn, hubaal waa Number 2. Hase yeeshee, barashada JavaScript waxay badanaa ardayda ku noqotaa buur dheer; culeys, jahwareer, iyo waqti lumis badan ayaa laga la kulmaa.

Arday badan ayaa 4 bilood ama ka badan ku bixiya barashada Syntax-ka oo kaliya, iyagoon weli dareemin inay wax dhisi karaan. Laakiin sirta guusha ee 2026 (AI Era) ma ahan inaad wax walba barato, ee waa inaad barato ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ.

Sharciga Pareto (80/20 Rule) wuxuu dhigayaa in 80% natiijada ay ka timaado 20% dadaalkaaga. Dhanka Coding-ka, tani waxay ka dhigan tahay: ๐Ÿฎ๐Ÿฌ% ๐—–๐—ผ๐—ป๐—ฐ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐˜€-๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐˜ƒ๐—ฎ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ฝ๐˜ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฐ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐Ÿด๐Ÿฌ% ๐˜„๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ผ ๐—ฅ๐—ฒ๐—ฎ๐—ฐ๐˜ ๐—”๐—ฝ๐—ฝ๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป.

Haddii aad dooneyso inaad noqoto ๐—ฅ๐—ฒ๐—ฎ๐—ฐ๐˜ ๐——๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฟ tayo leh muddo gaaban (1 ilaa 2 bilood), xoogga saar 7-dan tiir ee hoos ku xusan. Kuwani waa "JavaScript Concepts (React Dev Ready)."

Ka hor inta aadan cararin, waa inaad socodka barataa. Fahamka aasaasiga ah waa muhiim si aad u dhisto logic sax ah.

โ€ข V๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ฎ๐—ฏ๐—น๐—ฒ๐˜€: Faham faraqa u dhaxeeya ๐˜ญ๐˜ฆ๐˜ต, ๐˜ค๐˜ฐ๐˜ฏ๐˜ด๐˜ต, iyo ๐˜ท๐˜ข๐˜ณ (iyo sababta ๐˜ท๐˜ข๐˜ณ looga tago casrigan).
โ€ข ๐——๐—ฎ๐˜๐—ฎ ๐—ง๐˜†๐—ฝ๐—ฒ๐˜€ & ๐—ข๐—ฝ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฟ๐˜€: Strings, Numbers, Booleans.
โ€ข ๐—–๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—น ๐—™๐—น๐—ผ๐˜„: Sida go'aanada loo gaaro ๐˜ช๐˜ง/๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ด๐˜ฆ, ๐˜ด๐˜ธ๐˜ช๐˜ต๐˜ค๐˜ฉ).
โ€ข ๐—Ÿ๐—ผ๐—ผ๐—ฝ๐˜€ & ๐—™๐˜‚๐—ป๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐˜€: Sida koodhka loogu cel-celiyo ama loo habeeyo.

React waxaa lagu maamulaa xog (Data). Xogtaasina 99% waxay ku timaadaa qaab Arrays ama Objects.

โ€ข Waa inaad si qoto dheer u taqaanaa sida loo sameeyo ๐—ก๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐˜๐—ฟ๐˜‚๐—ฐ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ฒ๐˜€ (Object ku jira Array, ama Array ku jira Object) iyo sida xogtaas loo dhex galo (Access & Update).

Haddii aad rabto inaad React barato, qodobkan waa qasab. React dhexdeeda ma isticmaalno ๐˜ง๐˜ฐ๐˜ณ ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฑ๐˜ด caadi ah, waxaan isticmaalnaa methods-kan casriga ah:

โ€ข map(): Waa kan ugu muhiimsan. Waxaa loo isticmaalaa in xogta (Database/API) loo beddelo UI (sida in liis alaab ah lagu soo bandhigo shaashadda).
โ€ข ๐—ณ๐—ถ๐—น๐˜๐—ฒ๐—ฟ(): Si aad u tirtirto shay ama u shaandheyso xogta.
โ€ข ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฑ๐˜‚๐—ฐ๐—ฒ(), ๐—ณ๐—ถ๐—ป๐—ฑ(), ๐˜€๐—ผ๐—บ๐—ฒ(), ๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐˜†(): Waxay kuu fududeynayaan xisaabinta iyo raadinta xogta adag.

React waa framework jecel nadaafadda. ๐——๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฟ๐˜‚๐—ฐ๐˜๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ด waxay kuu ogolaaneysaa inaad xogta kala bixiso (unpack) adigoo qoraya code yar oo nadiif ah.

โ€ข Tani waa sida aan ula soo baxno ๐˜ฑ๐˜ณ๐˜ฐ๐˜ฑ๐˜ด iyo ๐˜ด๐˜ต๐˜ข๐˜ต๐˜ฆ gudaha React components.

Saddex dhibcood (...) oo awood badan leh.

โ€ข ๐—ฆ๐—ฝ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐—ฑ: Waxaan u isticmaalnaa inaan koobiyeyno Arrays iyo Objects annagoo aan waxba ka bedelin kii hore (Immutability). Tani waa tiir-dhexaadka ๐˜š๐˜ต๐˜ข๐˜ต๐˜ฆ ๐˜”๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข๐˜จ๐˜ฆ๐˜ฎ๐˜ฆ๐˜ฏ๐˜ต ee React (Redux/Zustand).
โ€ข ๐—ฅ๐—ฒ๐˜€๐˜: Si aan u ururino parameters-ka function-ka.

React Components dhab ahaantii waa Functions.

โ€ข ๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ๐˜„ ๐—™๐˜‚๐—ป๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐˜€ =>): Waa syntax-ka rasmiga ah ee React components casriga ah. Waa inaad la qabsataa qaab qoristooda.
โ€ข ๐—–๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฏ๐—ฎ๐—ฐ๐—ธ๐˜€ & ๐—ฃ๐˜‚๐—ฟ๐—ฒ ๐—™๐˜‚๐—ป๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐˜€: Fahamka in function uu function kale wadi karo, iyo in function-ku uusan saameyn ku yeelan xogta dibadda (Pure), waa aasaaska React.

App-kaagu keligii ma shaqeyn karo; wuxuu u baahan yahay inuu xog kasoo jiito Server-ka (Backend).

โ€ข ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ฒ๐˜€ & ๐—”๐˜€๐˜†๐—ป๐—ฐ/๐—”๐˜„๐—ฎ๐—ถ๐˜: Waa qaabka aan u sugno xogta inta ay kasoo degeyso internet-ka annagoo aan application-ka "fariisin/qaboojin" (freeze).
โ€ข ๐—™๐—ฒ๐˜๐—ฐ๐—ต ๐—”๐—ฃ๐—œ & ๐—ง๐—ฟ๐˜†/๐—–๐—ฎ๐˜๐—ฐ๐—ต: Sida xogta loo soo qaado iyo sida loo xaliyo haddii cilad timaado (Error Handling).

Barashada Programming-ka sanadka 2026, gaar ahaan xilligan AI-da (Artificial Intelligence), uma baahna inaad xifdiso buugga oo dhan. Waxaad u baahan tahay inaad fahamto "Logic-ga" iyo "Patterns-ka" shaqeynaya.

Haddii aad 7-dan qodob si fiican u barato, ugana dhigto ๐—ฃ๐—ฟ๐—ผ๐—ท๐—ฒ๐—ฐ๐˜-๐—ฏ๐—ฎ๐˜€๐—ฒ๐—ฑ ๐—น๐—ฒ๐—ฎ๐—ฟ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ด (wax ku baro adigoo wax dhisaya), waxaad ku noqon kartaa "React Ready" ๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ ๐Ÿญ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐Ÿฎ ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ฑah, halkii aad 6 bilood ku lumin lahayd wareeg aan dhamaad lahayn.

Waqtigu waa qaali, ku bixi meesha saxda ah.

Mr Sharafdin.